Qaar ka mid ah Daladaha Waxbarashada dalka ayaa eedeyn u soo jeediyay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyagoo baaq u direy guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wasaarada Waxbarashada…
Kulan socday muddo labo maalmood ah oo ay ka qeygaleen wakiilo ka socday illaa lix Daladood oo kala ah SAFE, SOFEL, SOFEN, AL MA’MUN, SEDA iyo SNEFA ayaa gabagabadii kulankooda waxaa laga soo saaray War Saxaafadeed.
“Dalada lixda ah ee ka qeybgalay kulankan marnaba lama kulmin agaasinka waxbarashada gobolka mana jirto wada shaqeyn dhex martay.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dalladahan.
Ugu dambeyntii waxaa ay dalladahan ugu baaqeen maamulka gobolka Banaadir in la ilaaliyo xuquuqda waxbarasho ee hay’adaha waxbarashada gaarka ah iyo in Agaasinka waxbarashada maamulkiisa loo dhiibo gacan aamin ah.