Ma Dhabaa In Xafiiska Guddiga Difaaca Baarlamaanka La Jabsaday

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga Howlgal laga soo abaabulay Villa Somalia iyo Xarunta NISA ayaa la sheegay in ciidamo isku dhaf ah ay u dhaceen Xafiisyada Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Baarlamaanka Federaalka, oo waday baaritaan la xiriira Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee askar ahaanta loogu qaaday dalka Eritrea 2-sano ka hor…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Ciidamadaan isku dhafka ay hormuud u ahaayeen ilaalada gaarka ah ee Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Muudey, waxeyna xoog ku galeen xafiiska dhowr maalmood kahor, iyagoo ka qaatay qalab u badan computers iyo cajalado ay xog badan ku keydsanaa.

Wararka ayaa sheegay in Dukumentiyada iyo Computerada la qaatay ay ku keysanaayeen baaritaan la xiriira macluumaad la xiriira Dhalinyaradii ay Dowladda gaysay dalka Eritrea, iyo keydkii guddiga difaaca ee sideeddii sano ee lasoo dhaafay, Ma cadda sababta loo beegsaday xafiiska Guddiyada, hase yeeshee waxay sida muuqata u badan tahay mid looga hortagayo baaritaanka la xiriira Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee la geeyey Eritrea, oo arrinteeda ay aad uga sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysay.

Waalidiinta Dhalinyaradaan maqaan ayaa muddo dalbanaaya iney Cadaaladu guuleysato, isla markaasna Farmaajo iyo Fahad lagula xisaabtamaa Marin-habaabinta Shacbiga Ee xiisadaan ku xeeran, isla markaasna la magacaabaa guddi madax banaan oo Fadeexadaan soo baara Cadaalada horkeena.

123720cookie-checkMa Dhabaa In Xafiiska Guddiga Difaaca Baarlamaanka La Jabsaday