Washington Oo Cunaqabatayn ku soo rogay Madax sirdoonka Uganda

Africa News

Maamulka Washington ayaa Talaadadii shalay cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay Madaxa Sirdoonka ciidamada Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho, kaasoo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka, kuwaasoo ay geysteen Xoogagiisa, uuna oga jiritaanka xabgudubyaadan…

Hogaanka sare ee Ciidamada Uganda ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin go’aankaas, ayna ka dalbanayaan iney caddeeyaan Maamulka Washington, oo sannadihii u dambeeyay ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.

Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto tillaabooyinka kale oo ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin caburinta iyo wiiqidda dimuqraadiyadda dalalkaas.

Waaxda Maaliyadda ayaa soo rogaysa cunaqabatayn is daba joog ah todobaadkan kahor bilowga shirwaynaha Maraykanka ee Dimuqraadiyadda ee Madaxweyne Joe Biden, kaas oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay ku hawlan yihiin musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda.

“Saraakiisha sirdoonka millatariga waxay xireen, oo ay jir dil u geysteen dadka reer Ugandan “sababo la xiriira jinsiyadooda, aragtidooda siyaasadeed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dowladda Uganda, xaaladaha qaarna, Kandiho shaqsi ahaan ayuu ugu lug lahaa, isaga oo hoggaaminayay su’aalo la weeydiinayay shaqsiyaadka la xiray,” ayaa lagu yiri bayaanka.

155020cookie-checkWashington Oo Cunaqabatayn ku soo rogay Madax sirdoonka Uganda