Hey’adda Duulista hawada ee Federaalka USA (FAA), ayaa todobaadkaan diyaaradaha Wadankaasi kaga digay iney adeegsadaan Hawada Kenya, sida ay qortay Warbaahinta maxaliga ah…
Mareegtada Ureport ayaa daaha ka rogtay in digniintaasi ay la xiriirto cabsi xoogan oo laga qabo In Diyaaradaha ay bartilmaameed u noqdaan Kooxda Shabaabka ee gacan saarka la leh Ururka Al-qa’ida.
Qoraal ay soo saartay Hey’adda FAA ayaa lagu xusay in Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada ay casriyeeyeen hubkooda, isla markaasna ay u ugu yaraan awood u leeyihiin iney beegsadaan diyaaradaha bartilmaameedka u noqon kara.
Sida ku cad Qoraalka digniintaan ayaa la xiriirta nawaaxiga xadka Somalia iyo Kenya oo ay joogtaan badan ku leeyihiin Kooxda Shabaabka, Garoomada JKIA iyo Moi qeyb kama ahan digniintaan, maalintii khamiistii ayeey Safaarada Mareykanka ee Nairobi soo saareen digniino ineysan Muwaadiniintooda ka fogaadaan Hoteelada, oo ay dhici karto in weeraro qorsheysan laga fuliyo.