Gudoomiye Lagu Xiray Nairobi..

Politics

Faahfaahino ayaa laga soo sheegaya howlgalo ay qaadeen Ciidamada Boliiska Kenya, kadib markii ay magaalada Nairobi ka Qabteen Gudoomiyahii gobalka Jubada Hoose ee maamulka Jubaland….

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Cabdirashiid Cali Gooni ayaa muddo ku xiran dhow todobaad, iyadoo Hey’addaha amaanka dalkaasi ku eedeeyeen inuu waday qorshe lidi ku Maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubbaland.

Xogtaan ayaa sheegaysa in guddoomiyaha markii la xirayay uu ku sugnaa Kulan ka dhacayay Nairobi, oo ay ku kulmayeen Mas’uuliyiin Kenyan ah oo gobolada dalkaasi qaabilsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay u xireen sabab la xariirta in ay ka shaki qabaan in gobalka uu ka billaabo abaabul kadib markii uu dhowr jeer la fariistay Cabdirashiid Xidig oo ay qaraabo yihiin, sidoo kalane ka tirsan xubno sheegta madaxweynaha Jubbaland.

Cabdirashiid Cali Gooni waxa uu muddo dheer ahaa guddoomiyaha gobalka Jubada Hoose ee Jubaland. Waxay sidoo kale qaraabo yihiin Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Jubaland lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladiisa oo ay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah ehelkiisa.

20160cookie-checkGudoomiye Lagu Xiray Nairobi..