Hargeysa Oo Ku Eedeysay Muqdisho Go’doonka Dhaqaalaha Iyo Safarada

Business

Xanta siyaasada ayaa ah inaanu xiriir wanasgsan uusan ka dhaxeynin Dowladaha Somalia iyo UEA 3-sano ee ugu dambeysay, waxayse dhacdadaasi albaabada u furtay is dhexgaI hor leh iyo Is-fahan Dhaqaale oo dhexmara Maamulka Hargeysa iyo UEA, iyadoo ay meesha ka saartay wada shaqeynta Somalia iyo Shaqayntii Imaaraatka….

Caalamka maanta ee ganacsiga furan ayaa Loolan adag loo galaa Soo jiidashada Duulimaadyada Caalamiga ah ee dalalka, si loo hormariyo Ganacsiga iyo is dhexgalka, iyadoo Ahmiyada 1-aad ay tahay in shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ah qaarkood ay hami ka galeen iney Suuqa cusub ee Somalia ku soo biiraan, balse Waxaa la sheegay in Xifaaltanka ay kula Jirto Somalia iyo UEA uu gaaray heerkii ugu hooseeyay, taasoo saameyn ku yeelatay Ruqsadii Diyaaradaha FlyDubai iyo Airarabia.

Ilo xogogaal ah ayaa u sheegay Diinah.com in Maamulka Farmaajo Iyo Madaxda Fly Dubai iyo Air Arabia ay Wada hadalo qarsoodi ah wada yeesheen, iyadoo laga wada Hadlay sidii loo balaaran lahaa Dulimaadyada tooska ah ee Magalooyinka Muqdisho Iyo Garoowe.

Maamulka Farmaajo ayaa qorsheeyay in magaaladda Muqdisho ay Duulimaadyo toos ah ay ka bilowdo shirkadda Diyaaradaha Ee FLY Dubia, halka shirkada Air Arabia na ay ka Bilaabayso Garoowe marka ay dhammaato xayiraadda ay saartay Somalia Duullimaadyada caalamiga ah ee cudurka Coronaviruska.

Dhanka kale, ruqsad kala noqoshada Maamulka Hargeysa ee Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Air Arabia ayaa salka ku haya Saami (Kooto) uu rabo Madaxweyne Muuse Biixi inuu ugu xiro Duulimaadyada Caalamigaa Wakiilka Ethiopian Airlines Abdiqafaar Maxamuud Ciise oo uu abti u yahay, Damiinka Diyaaradana uu ku qoranyahay Isla Madaxweynaha oo damiintay wiilka 2012.

Haddii Maamulka Farmaajo ku guulaysato qorshaha ay ku doonayaan iney Muqdisho keenaan Duulimaadyada FLY Dubia Air Aribia-na Garoowe wuxuu suuragal ka dhigayaa in Imaraadka Carabta iyo Dawladda Somalia xiriirkoodu soo hagaago islamarkaana uu meesha ka baxo mugdigii iyo xifaaltankii Danaha Dhaqaale ku saabsan ee hadda kala Dheexeya UEA Iyo Somalia.

Waxaase laga digay in Xifaaltanka Maamulka Farmaajo uu kula jira Maamulka Hargeysa uu xidida u siibi kara dhaqdhaqaaqa Safarada iyo Dhaqaalaha yar ee soo kobcaaya, wuxuuna Mashruucaan uu horseedi karo in Dhibaato Dhaqaale iyo xayiraado ay ku habsato Shacbiga Waqooyiga oo xiligaan adag aan qaadi karin in Go’doon laga geliyo Safarada iyo Ganacsiga, Dagaalka Maamulka Farmaajo ayaa ah mid cad oo uu ku doonaayo inuu culeys ku saaro naam Muuse Biixi inuu Dib ugu soo laabto wada hadalada.

26360cookie-checkHargeysa Oo Ku Eedeysay Muqdisho Go’doonka Dhaqaalaha Iyo Safarada