Madax Dowlad-deganka Somalida Ethiopia Oo Raalin Ka Dalbaday

Politics

Madaxweynaha dowlad-degaanka Soomaalida Mustefa Omer ayaa ka dalbaday Mas’uuliyiinta Jabhadda Xoreynta Tigreega inay raali galin ka bixiyaan xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay qaybo badan oo kamid ah gobolka xilligii TPLF ay hogaamineysay xukunka EPRDF….

“Halkani, waa mid ka mid ah meelaha xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay u gaysteen dadka Soomaalida ah saraakiisha Tigreega. Halkan waxaa ku yaal mid ka mid ah xabaalaha ay TPLF ku dileen sagaal xubnood oo qoys ah, “ayuu madaxweynuhu ku sheegay farriin muuqaal ah.

Mr.Cagjar ayaa hadalkan ka sheegay intii uu hoggaanka hayey booqashooyin uu ku tegay goobo kala duwan oo dilalkii ugu badnaa ay ka dhaceen intii lagu jiray xukunkii EPRDF ee burburtay laba sano ka hor.

Guud ahaan, 30-kii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah xubnaha TPLF ee ku jira maamulka federaalka iyo jeneraalo militari oo uu ku jiro General Abrha ayaa xasuuq aan loo meel dayin iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka u gaysanayay shacabka Soomaaliyeed.

Sida uu sheegay madaxwaynuhu, waqti xaadirka ah, kooxda TPLF ayaa ku hawlan cabsi gelin si ay u sii xajiso xaqiiqda xasuuqii loo gaystey dadka soomaaliyeed si ay u qaawiso ama ay u diido arinta guud ahaanba.

29500cookie-checkMadax Dowlad-deganka Somalida Ethiopia Oo Raalin Ka Dalbaday