Share the post "Villa Somalia Oo Diyaarisay Qorshe Xilalka Looga Qaaday Taliyayaasha Ciidamada"
Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegsya in Madaxtooyada Villa Somalia laga diyaayay qorshe xilalka Loo qaadaayo Taliyayaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Asluubta iyo NISA, iyadoo la diyaariyay Shaqsiyaadkii lagu bedeli lahaa…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Agaasimaha NISA lagu wado in loo magacaabo dhigay Horjooge Cabdullaahi Kulane ( Jiis/Mareexaan) oo ay isku reer yihiin Mr.Farmaajo, kulane ayaa mudooyinkanba hayay howsha ugu badan ee Sirdoonka Soomaaliya, isagoo horboodayay dagaal beeleedyo u dhaxeeya jifooyinka Beesha Mareexaan iyo xiriirka Wada shaqeynta Ciidamada Ethiopia ee Xooga ku heysta Magaalada Doolow.
Horjooge Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayey wararku sheegayaan in isagana loo dhiibay xilka Taliyaha Booliska, isagoo xiligan ah Madaxa Qeybaha guud ee Boliska gobolka Banaadir.
Xogtaan ayaa tilmaamtay in maalmaha soo socdo ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaao isbedeladan lagu sameeyay 4ta Taliye ee ciidanka dowladda Soomaaliya, Iyadoo arintan la leeyahay waxey qeyb ka tahay qorshaha dowladda ugu diyaar garoobeyso sidii ay mudo kororsi awood maquunis ah u sameysan leheyd.