Ma Dhabaa in Jaamacada Kenya Ay u Oggolaatay Ardaday Somalia iney Bixiyaan Khidmada…

Africa News Education

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal ay soo saartay Jaamacadda Kenyatta (Kenyatta University) ayaa shaacisay in Ardayda Somalia ka soo jeeda ay bixinayaan Khidmada hadda kadib qiimaha laga qaado ardayda East African Community (EAC), kuwaasoo ka jabnaa qiimaha ardayda kale ee banaanka ka yimi (International Student) ee ah Non- East African…

Go’aanka ayaa fursad weyn u ah Ardayda Soomaaliyeed, taasoo ka dhigan yididiilo iyo rajo wanaagsan oo dhanka Waxbarashada, waana miraha u horeeya ee laga dhaxlay ku biiristii Somalia ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), inkastoo ay dhiman tahay Mid Dal ku gelista (Free Visa).

Wasaaradda Waxbarashada Somalia, ayaa dhawaan la gashay Heshiis dhigeeda Kenya iney aqbalaan Shahaadooyinka Jaamacadaha gudaha Somalia, Ardaydana ay u fududeyso galida Kuliyadaha ay doonan, iyagoo la eegayo Shahaadooyinkooda.

335020cookie-checkMa Dhabaa in Jaamacada Kenya Ay u Oggolaatay Ardaday Somalia iney Bixiyaan Khidmada…