Djibouti & Somalia Oo Qalinka ku Duugay Iskaashiga Dhinaca Warbaahinta

Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Djibouti ayaa sheegaya in Dowladaha Somalia iyo Djibouti ayaa Khamiistii wada gaareen heshiis iskaashi, Heshiiska ayaa looga gol leeyahay in sare loogu qaado wada shaqaynta ka dhaxaysa Ururadooda Warbaahinta Qaranka…

Wararka ayaa sheegaya in Xaflada ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Somalia Mudane Daa’uud Aweis Jaamac iyo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Djibouti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, iyagoo Wasiiradaan ku tilmaamay Heshiiska Horumar taariikhi ah iyo tallaabo isbeddel ah oo qaabayn doonta mustaqbalka hawlaha warbaahinta ee labada Dal.

Heshiiska waxaa dhanka Dowladahooda u saxiixay Agaasimaha guud ee Radio Muqdisho C/fitaax Daahir Jeyte iyo Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac, Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Somalia u fadhiya Jabuuti Salaad Cali Jeelle iyo Safiirka Djibouti ee Somalia Maxamed Rashiid.

335310cookie-checkDjibouti & Somalia Oo Qalinka ku Duugay Iskaashiga Dhinaca Warbaahinta