Dhagey Iyo Dhag-dheer Oo Loo Adeegsanaayo Burburka Galmudug

Politics

Macluumaad ayaa laga soo sheegaya in Xiisadaha iyo Khilaafka aan dhamaadka laheyn ee ka taagan Maamulka Galmudug uu Mr.Farmaajo u xil saartay Labada Senator oo lagu kala magacaabo Dhagey iyo Dhag-dheer….

Labadaan Senator ayaa muddo ku dhow 8-bilood waxey xarun KMG ah ka dhigteen Magaalada Dhuusa mareeb, iyagoo gacmo-gacmeyn iyo kala qeybin ku haya Maamulka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka cusub, waxaana lagu eedeeyay iney hortaagan yihiin Horumarka Dowlad goboleedka Galmudug.

Xikdhibaan Xabad Cali oo ka tirsan Barlamaanka Galmudug ayaa ugu baaqay Labada Senatarada ah ( Dhagey iyo Dhag-dheer iney ka tagaan Dhuusa mareeb Oo Muqdisho ku noqdaan, “hadiisa ay dhamaatay Doorashadii Galmudug, Madaxdii la doortay, maxey tahay Sababta shaqsiyaadkaan weli u gacmo-gacmeynayaan Howlaha shaqo ee Galmudug Ka socda” ayuu yiri Xikdhibaanka degaanka.

Waxaa naloo igmaday una dhaaranay in aan badbaadino kana shaqayno masiirka galmudug. “Waa muhiin in aan farta kufiiqo dadka kashaqaynaayo in galmudug meesheedi ku laabato. Waxaan ugu baaqayaa bulshada reer galmudug in aay iska diidaan, (dib udhac ku yimaada Mar 2-aad Bulshada galmudug). Ayuu sheegay Xildhibaan kale.

33750cookie-checkDhagey Iyo Dhag-dheer Oo Loo Adeegsanaayo Burburka Galmudug