Sidee Loo soo Af Jari Karaa Qaraxyada Ay Shacbiga Caasimada Lagu Xasuuqo & Damqasho La’aanta Hogaanka Dalka..

Security Somalia news

Caasimada Somalia muddo dheer waxey marti u aheyd qaraxyo dilal Qorsheysan xambaarsan, iyadoo falalkaan ay ku yimaadeen dabaca ku yimid Hey’adaha Amniga oo ay sabab u tahay xulasho xumida Hogaanka Dalka, kaasoo ku aaminay Xilalka NISA iyo Boliiska Shaqsiyaad laba kaarle ah oo u shaqeeya Sirdoonka Ethiopia, ku darsoo Dhacdoonyinkaan waxaa saameyn ku leh Wakiilada Reer Galbeedka ee Garoonka iyo Xalane Degan…

Mudo 17 sano ah ayay Muwaadiniinta Soomaaliyeed su’aalo iska weydiinayeen Daacadnimada Hogaanka Villa Somalia iyo cidda maalgelisa Kooxda Shabaabka iyo sida ay uga baxsadaan qabashada. Inkastoo wadamada reer galbeedka sida Mareykanka iyo EU ay sheegtaan iney Dalka Somalia ka taageeraan la dagaalanka argigixisada, iyagoo u soo diray koox awoodo sirdoon oo horumarsan leh,digniino Amni oo hordhac ah tilmaama, hase ahaatee ma aysan ka caawin Hey’adaha Amaanka ee Somalia xogta dhabta ah si loo ogaado cidda maalgelisa iyo fududeysa Weerarada kooxaha Argagixisada, Dalalkaan ayaa si fudud xogaha loo heli karaa, balse waxa ay u muuqataa in kooxda Shababku ay tahay wakiil ay Dalal shisheeye u adeegsadaan inay carqaladeeyaan Dowladnimada, Sugida Ambiga iyo Horumarka Somalia.

Dowlad aha Aduunka ee Qaraxyada qorsheysan ka dhaca Baaris iyo Dabagal ayaa lagu sameeyaa halka ayaan darro Somalia si fudud lagu hilmaamo Dadka ku dhamaada Qaraxyada qorsheysan, inkastoo Somalia ay leedahay Khubaro ku xeel dheer Baarista iyo kan gungaarida Kiisaskaan soo noqnoqday oo aan si hufan looga faa’iideysan Xuuraanka iyo xogaha digniinta amni Xambaarsan ay soo saaraan Saraakiisha Sirdoonada ee Safaaradaha Shisheeye kuwaasoo sanado badan ku sugan Caasimada.

Inkasta oo sheekooyinka kala duwan ee naloo sheegay, faragelinta shisheeye ayaa wax ka qabanaya daaha gadaashiisa, Wadamada reer galbeedku way yaqaaniin sida arrintan wax looga qabto, laakiin waxaad mooddaa ineysan dhanka Hogaanka Dalka iyo kuwa ay u xushaan Hey’adaha u xushaan aysan garaadkoodu iyo damiirkoodu gaarsiisaneyn iney ka damqadaan dhiiga Shacbiga oo sida fudud lagu daadinaayo, Waxaa la joogaa waqtigii Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Aqoonyahanada xirfada u leh ay u kici lahaayeen una dalban lahaayeen isbedel dhab ah, Dhanka Hogaanka Dalka iyo kuwa Hey’adaha Amaamka, iyadoo Sida kaliya kooxaha Argagixisada iyo shabakadaha dambiilayaasha lagu soo af jari jaro dhibaatooyinka ay Dhacbiga ku hayaan.

338210cookie-checkSidee Loo soo Af Jari Karaa Qaraxyada Ay Shacbiga Caasimada Lagu Xasuuqo & Damqasho La’aanta Hogaanka Dalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com