Ilhan Cumar oo ku Guuleysatay doorashada Is-reeb reebka Xisbiga Dimoqaraadiga..

Politics U.S.

Faahfaahin ayaa laga helayaa Ilhan Cumar oo ah mudane ka tirsan Kongareeska Mareykanka, ayaa markii afraad ku guuleysatay murashaxnimada kursiga ay ku matasho degmada shanaad ee Gobolka Minnesota ee xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka…

Wararka ayaa sheegaya in Ilhan Cumar ay kaga adkaatay Tartanka Mr.Daniel Samuel ee Xisbiga Dimoqaraadiga dhexdiisa, iyadoo kaga adkaatay 56% cododkii la tiriyay, iyadoo taageerayaasheeda oo isu soo bax sameeyay kuwaasoo u dabaaldegay guusha ay gaartay, iyadoo kooxaha AIPAC ay dhaqaale badan ku bixiyeen sidii looga adkaan lahaa Xildhibaanada.

Ilhan ayaa doorashada kaga guuleysatay Don Samuels oo isna ah siyaasi dimoqraadi ah. Waana marki labaad oo xiriir ah oo ay Don kaga adkaato doorashada is reeb reebka kursiga degmada Shanaad, degaan doorashadaan ayaa la sheegay iney ku badan yihiin Dadka laga tirada badan yahay.

339440cookie-checkIlhan Cumar oo ku Guuleysatay doorashada Is-reeb reebka Xisbiga Dimoqaraadiga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com