Xuutiyiinta oo Ogolaadeen in Gurmad uu Gaaro Markab ku Gubanaya Badda Cas..

Security World

Kadib markii uu fashil ku soo dhamaaday Duulaankii qaawanaa ee Xulafada USA, Israek & UK ay ku weerareen Dalka Yemen si loo cabsi geliyo Xoogaga Xuutiyiinta isla markaasna loogu qasbo iney Maraakiibta Ganacsiga ee Dalalkaani ay maraan Badweynta India iyo Badda Cas…

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay, in iyadoo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’aadannimada iyo Khataraha Degaanka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbaleen, in Doonyo iyo Maraakiib Gurmad ah gaaraan markabka ku gubaanaya Badda aagaasi.

Markabkaan oo wata calanka Dalka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo fuusto saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa Badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka Degaanka ah ee soo marta caalamka.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, kadib markii Dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

341470cookie-checkXuutiyiinta oo Ogolaadeen in Gurmad uu Gaaro Markab ku Gubanaya Badda Cas..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *