Madaxii Future Traders Oo Dhaqaale La Baxsaday

Business

Madaxa Shirkadda sarrifka lacagaha qalaad ee Future Traders ayaa lagu soo waramayaa inuu la baxsaday Lacagihii dadweynuhu u dhiibteen ee uu u sheegay inuu ugu shaqeeyn doono, waxaana la sheegay in uu gaari kaga baxsaday Magaalada Muqdisho sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah macaamiisha Future…..

Maxamed Cawaale oo degaan ahaan kasoo jeeda Somaliland ayey dadka qaarkood ay u sheegeen Diinah.com inuu Magaalada Hargeyso u socdo, baxsadna uu yahay, Bulshadii ku xirneyd Shirkadda ayaa dowladda waxey ka codsadeen in hantidooda u badbaadiso.

Shaqsigaan oo macaamiisha shirkadda uu milkiilaha ka ahaa, shaqaalihii u shaqeyn jiray iyo Guddi u dhexeeyay isaga iyo Macaamiisha ugu war dambeeysay muuqiisa iyo wacaalkiisaba 3 maalin ka hor ayaa la sheegay in lagu arkay isagoo sii maraya Magaalada Baladweyne wuxuuna saaran gaari Leyla Calaawi ah.

Shirkadda Future Traders oo dowladda Soomaaliya in muddo ah u xirnaa sido kalena dowladdu ka xayyirtay lacago u yaallay bangiyo dalka ku yaalla ayaa waxaa horey u damiintay Xildhibaan, Saraakiil iyo dad ehelo la ahaa oo ka tirsan Maamulka Farmaajo.

Dad badan oo cabasho ah oo la soo xiriiray Diinah.com ayaa sheegay in Maxamed lacagta Dibadda jirtay oo dhan ay u fasa-xantahay balse Lacagihii gudaha u yiillay dowladdu xirtay.

34150cookie-checkMadaxii Future Traders Oo Dhaqaale La Baxsaday