Tiro Hoobiyayaal ah oo Lagu Duqeeyay Qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu..

Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad sh ayaa laga helayaa tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay qeybo ka mid Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida uu u sheegay Warhaabinta ka howlgasha magaalada kana dhashay Khasaare…

Wararka ayaa sheegaya in qiyaastii Hoobiyaasha lagu gaarayay tiro ahaan ilaa afar hoobiye kuwaasoo ku dhaceen  guryo ku yaala Xaafada Ceel qalow ee Degmada Wadajir, waxaana ka dhashay dhaawac kasoo gaarayay hal Qof iyo burbur guri Shacba degan yihiin, iyadoo Dhawaqa madaafiicdaan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobta ay Hoobiyayaasha ku dhaceen waxss gaaray Xoogaga Amaanka Degmada, mana jirto wax faahfaahin ah oo ay bixiyeen laamaha amaanka degmadaas oo ku aadan khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha, iyadoo amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah uu ahaa maalmahii lasoo dhaafay mid degan.

342280cookie-checkTiro Hoobiyayaal ah oo Lagu Duqeeyay Qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *