Egypt Oo Dib u Casriyeysiineysa Diyaaradaheeda Dagaalka & Sababta ka Dambeysa..

Security World

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Egypt oo dib u casriyeysiineysa Diyaaradaheeda Dagaalka kadib markii Raxan ka mid ahi oo nooceedu yahay F-16 ee Fighting Falcons oo USA ay Farsameyso ay howlgab ka noqdeen waxeyna ku badaleysaa Diyaarad lagu Farsameeyay China nooceeduna yahay J-10C..

Sida laga soo xigtay warbixino kala duwan, Heshiiska Chengdu J-10C, ayaa la saxiixay bihsii Agoosto 19, 2024, helitaankan ayaa Masar ka dhigi doona Dalka 2-aad ee haysta J-10C, kadib Dalka Pakistan, Talaabadan ayaa daba socota hadal heynta sii kordheysa ee ah in Masar ay raadineyso bedel ay ku casriyeyso ciidamadeeda cirka, iyadoo dalkaasi uu bilaabay inuu joojiyo diyaaradii F-16 ee hore.

Khubarada ayaa saadaalinaya in Shiinuhu uu balaayiin macaash ah ka heli doono iibinta hubka & diyaaradaha dagaalka ee Masar, Si kastaba ha ahaatee, Egypt ayaa lagu eedeeynayaa inay doonayso inay khalkhal galin iyo xasilooni darro ka abuurto Geeska Afrika, Iyagoo adeegsanaya saldhigyada ciidamada Somalia ayay Quburadu sheegayaan suurtagalnimada inay weerarto Ethiopia.

342530cookie-checkEgypt Oo Dib u Casriyeysiineysa Diyaaradaheeda Dagaalka & Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *