Qaraxyo Miino oo lagu Weeraray Dhalinyarada Baraha Bulshada & Sababta…

Security Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Qaraxyo xoogan oo khasaare balaaran geystay ayaa ka dhacay Maqribnimadii shalay Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir, kuwaasoo lagu eedeeyay iney ka dambeeyeen Maleeshiyaadka Kooxea Argagixisada Shababka kuna bartilmaameedsadeen goob Dhaliyaro ku kulmaan…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxyada oo ahaa ilaa 3-Miinada oo la geliyay Dalcada Wadadda dheer Laamiga degmada Kaxda, waxaana lagu beegsaday dhalinyaro sawirro isaga qaada Dalcadda Laamigaasi oo ah meel caan ku ah Dhalinyaradda Baraha bulshada, siiba barta tiktok, Dadka dhintay ayaa u badan Haween goobta sawiro ku galayay, iyadoo dadka waxyeelaxa gaartay ay ku jiraan Askar ku sugneyd goobta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay iney arkeen Dhimashada ilaa 15-Qof iyo tiro dhaawacyo intaasi ka badan, Qaraxyadan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay si toos ah loola beegsaday dhalinyarrada Baraha bulshada adeegsata, waxaana lagu eedeeyay Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka inay beegsaneyso Dhalinyarada.

343300cookie-checkQaraxyo Miino oo lagu Weeraray Dhalinyarada Baraha Bulshada & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *