Digniino Amaan Darro & Qaraxyo Oo looga Digay Shacbiga Magaalada B/Weyne…

Security Somalia news

Inkastoo Magaalada Beled weyne ay bilihii ugu dambeeyay ka taagneyd Nidaam darro horseeday in kooxo hubeysan ay qabsadeen Xarumihii Maamulka Degmada & Gobolka, ayaa hadda waxaa soo shaac baxaaya digniino Amaan darro iyo Qaraxyo laga cabsi qabo iney Kooxaha Argagixisada ka fuliyaan Magaalada…

Wararka ayaa sheegaya in goobaha laga digay ayaa waxaa mid ah Xaruumaha Maamulka iyo Goobaha Bulshada isugu timaado, sida laga soo xigtay Laamaha Amniga Beledweyne, Cabsida laga qabo qaraxyada iyo xaaladda amni ee Beledweyne ka jirta ayaa ku soo aadeysa ayada oo khilaaf iyo is-qab-qabsi maamul oo xooggan uu ka jiro magaalada, oo ay isku hayaan maamulka HirShabeelle iyo mid la baxay Hiiraan State

Waxaa sidoo kale khilaaf uu ka sii dhex qarxay Xubnaha Beesha Xawaadle ee Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhaxdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada, iyadoo Maamulka Hirshabelle iyo Dowlada Federaalka ay ku guuldareysteen iney Xakameeyaan Garabyadaan Maleeshiyaadka Beesha Cali Madaxweyne oo dhibaato ku haya Magaalada.

346080cookie-checkDigniino Amaan Darro & Qaraxyo Oo looga Digay Shacbiga Magaalada B/Weyne…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *