Xoogaga Amaanka Caasimada Oo Gacanta ku soo Dhigay Koox Hubeysan…

Security Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamada Boliiska Gobolka Benaadir ay qabteen koox ka kooban 23-Eedeysane kuwaasoo isugu jira Rag iyo Dumar kuna eedeysan iney geysteen falal la xariira Dil, Dhaawac, Kufsi iyo Dhac dadweyne u geysteen..

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalkaan oo laga fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Benaadir saacadihii la soo dhaafa ayaa lagu sheegay in “Hay’addaha Amiga Gobalka Benaadir iyo Shacabka Caasimada oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo kukacay falal iskugujira Dil, Dhaawac, Dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Benaadir.

Warka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir  ayaa sidoo kale lagu sheegay in 23-ka  eedeysane si deg deg ah loo horgeyn doono caddaaladda, Ugu dambeyntii Boliiska Muqdisho ayaa ugu baaqay Dadka Muqdisho iney lasoo wadaagaan xogaha la xariira kooxaha geysta falalka lidiga ku ah amaanka magaalada Caasimadda ah.

356470cookie-checkXoogaga Amaanka Caasimada Oo Gacanta ku soo Dhigay Koox Hubeysan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *