Share the post "Kenya oo u Qeylo Dhaansatay UAE, Kadib markii China ay ka jartay Dhaqaalihii ay ku Kabi jireen Tareenada Kenya.."
Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Kenya oo bilowday wadahadal xodxodasho ah ay kula jirto Imaaraadka Carabta si ay u hesho maalgelin lagu dhameystirayo jidka tareenada ee gobolada Dalkaasi ku xira Dalalka deriska la ah, sida laga soo xigtay Madaxweyne William Ruto, kadib markii China ay jarteen maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha Tareenada Kenya..
Wararka ayaa sheegaya in khadka tareen ee isku xiraya dekedda Mombasa ee Kenya iyo Dalalka deriska ah ee aan laheyn badda oo qayb ka ah Hindisaha Belt and Road ee China ayaa ku dhamaaday Gobolka Rift Valley 2019, oo 468-KM (290 Meyl) u jirta soohdinta Uganda, kadib markii Beijing ay la laabatay taageerada Mashruucaasi sababo la xiriira khilaaf soo kala dhex galay China iyo Kenya.
“Waxaan raadineynaa heshiis iskaashi oo aan la leenahay Imaaraadka Carabta si loo kordhiyo Tareenka Standard Gauge ee isku xira Kenya, Uganda iyo South Sudan,” Ruto ayaa yiri X goor dambe oo Talaadadii ah, ka dib markii uu la kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta Abu Dhabi.
Labada dhinacba waxay samayn doonaan daraasad macquul ah oo ku saabsan balaarinta Khadka Tareenada, ayuu sheegay Mr.Ruto, “sabato ah awoodda ay u leedahay kobcinta isdhexgalka gobolka iyo horumarinta ganacsiga”, Xafiiska Ruto kama jawaabin codsigii Reuters ee ahaa in tafaasiil dheeri ah laga helo.