Share the post "Boliiska USA Oo Xabsiga u Taxaabay Nin Soomaali oo lagu Eedeeyay inuu Ku Biiri rabay Kooxda Daacishta.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin Soomaali ah oo ku nool magaalada Minneapolis oo lagu eedeeyay inuu muujiyay taageero weerarkii gaari xamuul ee ka dhacay New Orleans, kaasoo ay ku dhinteen 14 qof, ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu ku biiro kooxda Daacish, sida ay ku dhawaaqeen dacwad-oogayaasha Maraykanka…
Eedeysane Abdisataar Ahmed Hassan, 22 jir, ayaa maxkamaddiisa ugu horeysay loo soo taagay dacwad la xiriirta isku dayga bixinta taageero loo fidinayo urur argagixiso ajnabi ah, Waxaa lagu amray in xabsiga lagu hayo iyadoon damaanad loo oggolaanin ilaa la qabto dhageysiga xukunka xabsiga oo la qorsheeyay bisha March 5-da.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa hordhigay Xeer-beegta in Eedeysanaha lagu eedeeyay inuu isku dayay 2-jeer Bishii Decembar ee tagtay inuu ka safro Minnesota una gudbo Somalia si uu ugu biiro kooxda argagixisada Daacish, balse uusan ku guuleysan, inkastoo uu sheegay inuu booqanaayo Qoyskiisa oo ku nool degaanada Maamulka Puntland ee Somalia.