Share the post "Boliiska Kenya Oo Xabsiga u Taxaabay Siyaasi u Dhashay Dalka Sudan & Sababta ka Dambeysa.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka Dalka Kenya kunq qabteen Siyaasi u dhashay Dalka Sudan isla markaasna Madax ka ah Ururka SPLM-RDC (Sudan People’s Liberation Movement Revolutionary Democratic Current), kaasoo Barwo qabasho ay madaxiisa dul dhigeen Xafiiska Boliiska Caalamiga ah ee Interpol…
Wararka ayaa sheegaya in Siyaasigaan oo lagu magacaabo Yassir Arman oo laga qabtay Garoonka Diyaaradaha xili uu ka soo degaayay, waxaana la sheegsy in bishii Septembar 2024-kii Xeer ilaaliyaha guud ee Dalka Sudan uu ku dhawaaqay baacsiga Hogaamiyayaasha Isku-dubbaridka Ciidamada Dimuqraadiga Rayidka ah, ama Tagadum, kuwaasoo amarro lagu soo xirayo lagu soo oogay eedeymo la xiriira la shaqeynta Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee dagaalka billowday Abriil 15, 2023. Waxa uu xaqiijiyay in liiska ay ku jiraan Raiisul wasaarihii hore ee Abdallah Hamdok.
Mr.Arman ayaa loo gudbiyay hotel ku yaala magaalada Nairobi kadib markii uu la xiriiray dhinacyo kala oo la hadlay Saraakiisha Boliiska caalamiga ah ee Interpol ee ku sugan magaalada Nairobi, Xafiiska Xeer ilaalinta Sudan ayaa ka codsaday Xafiiska Interpol-ka Sudan in gacan laga siiyo sidii loo qaban lahaa Eedeysanayaasha oo lagu eedeeyay iney jabiyeen qodobo la xiriira Xeerka ciqaabta Dalka Sudan iyo xadgudubyada dhanka ka ah Xeerarka Caalamiga ah.