Share the post "Liis Dalal ay Somalia ku jirto Oo laga Mamnuucaayo Gelida Dalka Mareykanka.."
Qorshe ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka ee liiska Dalalka aan loo oggoleyn iney Dalja ku gal ku galaan USA, Howlwadeenada dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan Sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr Dal oo Carbeed, sida ay sheegtay jariidada New York Times…
Wargeyska ayaa ay shaaca ka qaaday in Sharciga cusub ee soo gelitaanka Mareykanka ay saameyn doonta 43-Dal, iyadoo la sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo jeedisay in Dalalkaan loo kala saaro saddex qeybood, Muwaadiniinta dalalka ay ku jiraan kooxda koowaad waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka gudbaan xuduudaha Mareykanka, sida Yemen, Libya, Syria, Somalia, iyo Sudan, marka lagu daro Afghanistan, Bhutan, Venezuela, Iran, North Korea, iyo Cuba.
Sida kuxusan qorshaha Wasaaradda oo nuqul kamid ah ay heleen Wariyayaasha Wargeyska, Qaybta labaad waxay ku soo rogtay xayiraad weyn oo dhanka booqashooyinka Mareykanka waxaana ku jira 10 wadan kuwaasi oo kala ah Russia, Belarus, Haiti, Laos, Myanmar, Pakistan, Sierra Leone, Turkmenistan, Eritrea, iyo South Sudan.
Liiska Dalalka 3-aad waxaa ku jira Dalalka ay muwaadiniintoodu saaran tahay mamnuucid ama gebi ahaanba in ay galaan Maraykanka, waxayna kala yihiin: Angola, Antigua iyo Barbuda, Benin, Burkina Faso, Vanuatu, Gambia, Dominican Republic, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Zimbabwe, Cape Verde, Cambodia, Cameroon, Congo, Liberia, Mauritania, Malawi, Mali, Sao Tome iyo Principe, Guinea, Saint-Centre, iyo Chat.