Dowladaha Algeria & Somalia oo Wada Codsaday fadhi deg deg uu Golaha Amaanka ka yeesho Duqeymaha Israel ee Syria..

Politics Security World

Wararka naga soo gaaraya magaalada New york ee USA ayaa sheegaya in Dowladaha Algeria & Somalia oo si wadajir ah u wada codsaday fadhi deg deg uu Golaha Amaanka ka yeesho Duqeymaha, Xasuuqa iyo burburinta kaabayaasha Dalka ee Israel ku heyso Dalka Syria..

Codsigaan ayaa yimid kadib wadatashi iyo is afgarad ay yeesheen Wakiilada Wadamada Carabta ee ku sugan magaalada New York, Shir-guddoonka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay fadhigaasi yeeshaan Khamiista 10-ka April, Kooxda A3+ ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (Algeria, Sierra Leone, iyo Somalia), oo ay weheliso Jamhuuriyadda Guyana, waxay ku celiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay u taageerayaan midnimada Syria, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Syria.

Hadal uu jeediyay Ergayga Joogtada ah ee Algeria u jooga Qaramadda Midoobay, Amar Benjamaa, oo ku hadlaya magaca Dalalkaan, mar uu ka hadlayay Warbixin ku saabsan Syria, ayuu ku nuux-nuuxsaday in waxa uga sii daraya Caqabadaha Amaanka ay yihiin Duqeymaha joogtada ah ee Diyaaradaha Dagaalka Israel ay ku hayaan Goobaha Milliteri ee dhulka Syria.

367280cookie-checkDowladaha Algeria & Somalia oo Wada Codsaday fadhi deg deg uu Golaha Amaanka ka yeesho Duqeymaha Israel ee Syria..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *