Garabka Kheyre Oo Wada Tashiyo Ka leh Khilaafka Maamulka Farmaajo

Politics

24-kii saac ee ugu dambeeyay Waxaa Villa Somalia waxaa ka socda kulammo u dhexeeya afar nin oo muddo xileedkoodii dhammaad ku dhow yahay. Waxay isku sheegeen in ay muddo kororsi sameystaan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinkuna u xalaaleeyo. Madaxweynaha oo arrinkaan hormuud u ah ayaa la waydiiyey sidee muddo kororsi ku dhacayaa iyadoo ay gobolladii iyo xisbiyadii mucaaradka diidan yihiin. Wuxuu ku jawaabay hadii aan Afarteenaan iyo adeer Madera isku raacno cid kale looma baahna…


Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xiligaan Xafiiska Wasiirka 1-aad, uu ka socdo kulan wada tashi ah Oo looga arrinsanayo Qodobadaan:-

– Mowqifka laga qaato go’aanada kasoo bixi doona Guddiga joogta Ee Barlamaanka, ee 27-Juun-2020.

-Sidii Loo xakameyn lahaa Abqabulayaasha Kooxaha Huteelada Mogadishu ka wada Abaabulka Mooshinka ka dhanka ah Mr.Khayre

-In la cadeeyo Mowqifka Wasiirka 1-aad, uu ka qabo Muddo kororsiga ay wado Xaliimo Yareey Iyo in Banaanka laga istaago Arrimaha muddo kororsiga.

– In la furo Kulamo lala yeesho Mucaaradka si loo wiiqo Awooda Dadka raadinaya muddo kororsiga.

-Sidoo kale in Madaxda Puntland Iyo Jubaland Xiriiro Deg-Deg ah la-la yeesho si loo Xoojiyo Awooda Bad-baadinta Qaranka.

Kulankan oo ay shir guddoominayeen Guddoonka Labada Aqal ayaa warbixino looga dhageystay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada labada Aqal, waxaana la isku raacay in kalfadhiga Baarlamaanka 7aad uu furmo 6 bisha June ee soo socota.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay xilliga ay Baarlamaanka hor imaan doonto Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) oo la filayo inay Baarlamaanka ka horjeediso warbixinta ku saabsan doorashada dalka, xilliga ay dhaceyso iyo nooca ay noqoneyso.

Guddoomiye Xaliima Yarey ayaa loo yeeray inay Baarlamaanka ku hor-timaado 27 bisha June ee soo socota, si ay warbixinta Doorashada Xildhibaanada uga hor akhriso.

36920cookie-checkGarabka Kheyre Oo Wada Tashiyo Ka leh Khilaafka Maamulka Farmaajo