Share the post "Dowlada Sacuudiga Oo Hakisay Dal-ku-galka Xajka ee Dalal Dhowr ah & Sababta.."
Warbixino hordhac ah ayaa muujineysa in Dowlada Sacuudiga ay si KMG ah u hakiday Qaadashada Dal-ku-Galka Xajka Muwaadiniinta ka soo kala jeeda jeeda 14-Wadan oo ay ka mid yihiin: Iiraan, Nigeria, Ethiopia, Somalia, Congo, Libya iyo Sudan iyo qaar kale…
Amarkaan cusub ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu xoojinaayo Amaanka Dalka & maaraynta tirada Dadka ka qeyb galaaya xafladaha diimeed ee ugu weyn caalamka, Sida ku cad Qoraal la soo saaray, iyadoo lagu xusay in Dadka kasoo jeeda Dalalkaan ma heli doonaan fiisayaal Cumro ama booqasho inta lagu jiro xilliga xajka, Intaa waxaa dheer, muwaadiniinta lagu helo in ay ku negaadaan Sacuudiga fiisooyinkooda kadib waqtigii la oggolaa waxay wajahayaan ciqaabo adag oo ay kamid yihiin ganaax lacageed, xabsi, iyo masaafurin.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale si adag u digay dhammaan booqdayaasha in ay ilaaliyaan sharciyada socdaalka, isagoo xasuusiyay in xadgudubyada lagu muteysan karo ciqaabo culus, Xeerarkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaalka Sacuudiga ee lagu hubinayo badbaadada iyo nidaamka Xujeyda sanadkan.