Maamulada Villa Somalia Taageersan Oo Ku Kulmaaya Baydhabo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe gurcan oo ay daaha gadaashiisa ka riixaayaan Villa Somalia ayaa sheegaya in maalmaha soo socdo uu shir uga furmi doono Madaxda Maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir magaalada Baydhabo, kuwaasoo loo meeriyay iney qaadacaan heshiiskii dhowaan lagu gaaray Muqdisho…

Sida xogtu Diinah.com news u tilmaamtay, waxaa shirkan gadaaal ka riixaya MW Farmaajo oo doonaya in aanu fulin ballantii uu la galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Jubbaland, ayna ugu muhiimsaneyd heshiiskaasi sidii ciidanka uu geeyay Gedo dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho iyo in maamulka gobolka Gedo lagu soo celiyo gacanta Hoggaanka Jubbaland.

Mr.Farmaajo oo go’doon siyaasadeed galay kadib markii Culesyo kaga yimid wakiilada Beesha caalamka, Labada Hogaamiye ee Jubbaland & Puntland oo maalmahan shirar ka waday magaalada Muqdisho ayna heleen taageerada balaaran iyo soo dhoweyn diiran Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beelaha Hawiye.

Talaabada shirka lagu wado inuu uga furmo magaalada Baydhabo Saxiixayaashii Dhuusomareeb-3 ayaa laga cabsi qabaa iney markale keento caqabado siyaasadeed iyo in dib looga dhaco heshiis wadar ogol ah si ay dalka doorasho uga dhacdo.

Wakiilada Beesha Caalamka oo balanqaaday in shirka uu furmay toddobaadkan ayaanan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaa qorshaha Farmaajo uu isugu geeyay hoggaanka Dowlad Goboleedyada hoos tago Villa Somalia.

59430cookie-checkMaamulada Villa Somalia Taageersan Oo Ku Kulmaaya Baydhabo