Abaabulka Ilaalada Shacbka..

Politics

Mr.Farmaajo oo 3-dii sano ugu dambeysay ku mashquulsanaa sidii Beelaha laga tiro badan u abaabuli lahaa isla ay u difaaci lahaayeen danihiisa siyaasadeed, ayuu dhisay kooxo loogu magacdaray Xoogaga Wadaniyiinta, kuwaasoo uu doonayo inuu ku rati kacsado.

Wuxuuna ku guuleystay inuu dhiso isla markaana howlgeliyo Dhalinyaradaan laga soo uruuriyay Gobolada dalka isla markaasna Tababaro loogu qaaday Dalka Eritrea, si ay u difaacaan damaciisa doorashada lagu wada in ay dalka ka dhacdo sanadka 2021, Wuxuuna hada bilaabay abaabulka  kooxo cusub oo loogu magacdaray “Ilaalada Shacabka”, kuwaas oo ka barbar dagaalaya xooga wadaniyiinta.

Xoogagaan ayaa la hoos geeyay Adeege Fahad Yasin oo 0,5 ka soo jeeda, waxaana laga soo xulay guud ahaan qaybo ka mida dalka kuwaas oo hada lagu  siiyo tababar ciidan, mid afkaared xarunta tababarka ee loo yaqaano Shirboow ee kuu taal magalaada Muqadisho. Xoogagaan ayaa loo qeybin doonaa dhar cusub iyo bastoolado, waxaana loo igmaday iney qabtaan howlgalo gaar ah “special Operations”.

Farmaajo ayaa ay  ka go’an tahay inuu ka sameeyo magalaada Muqdisho caburin siyaasadeed, mar hadii uu ku guulaysaty in cunaqbatayn ku sameeyo shacabka iyo ganacsatada ku dhaqan magalaada Muqadisho. Xoogagaan cusub ayaan waxaan shaki ku jrin in ay magalaada Muqadishu iyo nawaaxigeeda ka abuuri doonaan caburin siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyagoo dhaqaalaha lagu soo tababaray laga qaaday shacabka masaakiinta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdishu.

Waxa wax lala yaabo ah in abaabulka xoogagaan  ay hada ka socoto magalaada Muqdisho, iyada oo ayan jirin cid ka hadlayso am ka muujinayso dareen. Gaar ahaan waxa ay arintaas si qaasa u taabanaysaa mucaaradka dowlada oo aad moodo in ayan wax war u ahayn qorshaha guran ee ay damacsan yihiin Farmaajo iyo kooxdiisa.

20680cookie-checkAbaabulka Ilaalada Shacbka..