Abaabulo Looga Hortagaayo Maleeshiyaadka Villa Somalia

Politics

Warbixno hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho ay ka bilaawdeen abaabulo xoogan oo looga hortagaayo Maleeshiyaadka Adeege Fahad uu diyaarsaday, Ka dhiidhiyay Isbaarooyinka Madaxtooyada, Magaalada iyo Kooxda Xijaar ee dilalka qorsheysan ka wadaan Magaalada Muqdisho…

Xogtaan ayaa Tilmaamtay in Maamulhii ugu dambeeyay uu Mr.Farmaajo ku amray Maleeshiyaadka uu ka keenay Gedo iyo Sool ee uu ku xareystay Madaxtooyada iney Dadka rayidka ah u diidaan iney isticmaalaan wixii ka dambeeya 17,00 casus-liiqa wadooyinka ku xeeran Xarunta Madaxtooyada, iyadoo lagu gooyay Gaadiidka dagaalka ee Qatar ku deeqday, isla markaasna Dadka loogu geysto jirdilo iyo hanjabaado dilal xambaarsan.

Sidoo kale Maleeshiyaad u badan kuwa Beelaha laga tira badan yahay Oo tababaro lagu soo siiyay Dalalka Qatar iyo Eritrea ay bilaabeen iney dhibaateeyaan Dadka rayidka ah, iyagoo dilal qorsheysan ka fuliya Degmooyinka Gobolka Benadir iyo xarig iyo afduub sharci darro ah.

Wararka in Tiro Dhalinyaro hubeysan oo ka dhiidhiyay Falalka gurcan ee ay iska kaashadeen Maleeshiyaadka Farmaajo ee Madaxtooyada kuwa Adeege Fahad iyo Maleeshiyaad taabacsan Horjooge Xijaar ayaa bilaabay iney ugaarsadaan Maleeshiyaadka kor ku xusan, iyadoo Howlgalada ay yihiin kuwo bilow ah.

36070cookie-checkAbaabulo Looga Hortagaayo Maleeshiyaadka Villa Somalia