Abiy Oo Ergo U Diraaya Hargeysa…

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa u sheegay Aarka Diinah blogs in Mr.Abiy Ahmef uu Ergo ka socota Maamulkiisa oo heer Wasiiro ah ku amray iney gaaraan Magaalada Hargeysa…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Wasiirka Maaliyadda heer federaal ee dalka Ethiopia Mr.Axmed Shide iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Gedu Andargachew oo hogaaminaayay Wafdigaan, ay tegi doonaan Magaalada Hargeysasi ay kulamo wada tashi ah ula yeeshaan Maamulka Muuse Biixi.

Wararkaan ayaa intaasi raacinaaya in Ergadaan ay hor dhigi doonaan Maamulka iney ka laabtaan go’aankii ay ku diideen booqashada labada Nin (Abiy iyo Farmaajo), kuwaasoo qorsheystay iney booqdaan Magaalada Hargeysa dhamaadka todobaadka soo socda.

Lama yaqaano waxa ay ku soo kordhin karaan Ergadaan, waxaase laga yabaa iney culusyo ku saaraan iney wac ka bedelaan mowqifka adag ee ay ka qaateen booqashada.

17670cookie-checkAbiy Oo Ergo U Diraaya Hargeysa…