Adeege Fahad Oo Shaqada Ka Joojiyay Saraakiil Iyo Askar

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Adeege Fahad Yaasin Oo Shaqada ka Joojiyay Tiro badan oo Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan Hey’adda NISA, kuwaasoo lagu eedeeyay iney gacan saar la leeyihiin Xisbiyada Mucaaradka…

Ilo wareedkaan ayaa u xog warramay Diinah.com ayaa u xaqiijiyay in 35-ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamo ka tirsan Hey’adda Nabadsugida ee ka howlgala Faraca Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho uu shaqo ka joojin iyo ka eryid isugu daray Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin, kadib markii uu ku eedeeyay iney Xiriiro la leeyihiin Xabsiyada Mucaaradka iyo iney Warbixino ka bixiyaan dhaqdhaqaaqa Safarkiisa.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Adeege Fahad Oo weli ka dhex wada bedelka iyo Ka eryida Hey’adda xubnaha ka soo jeeda Beelaha qaarkood oo uu cadawad uu u qabo, Gaar ahaan Saraakiisha iyo Asjarta ka soo jeeda Beelaha Mudulood iyo HG.

Dowlada Qatar iyo Adeegaheeda NISA, ayaa xiriiro wada shaqeyn la leh Kooxaha Argagixisada, waxeyna ku eedeeyay Sarkiishaan qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay Wararka la xiriira Howlaha Gargaarka ee UEA u gudbiyeen Warbaahinta Magaalada iyo iney dhaqdhaqaaqa safarada ee Saraakiisha Sirdoonka Qatar u gudbiyaan kuwa UEA.

34410cookie-checkAdeege Fahad Oo Shaqada Ka Joojiyay Saraakiil Iyo Askar