Arday Lagu Afduubtay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Ethiopia iyo Sababta…

Africa News

Faahfaahin ayaa laga helayaa ugu yaraan 100 Arday ayaa lagu waramayaa iney koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ka afduubteen degaano hoos yimaada Gobolka Amxaarada xili ay Ardaydu saarnaayeen Gaari Bus ah oo ku sii jeeday magaalada Addis abeba maalintii Arbacadii la soo dhaafay..

Wararka ayaa sheegaya in Ardaydaan oo wax ka baranaayay Jaamacada Debark, ayaa lagu weeraray degaan u dhow magaalada Garbe Gurache oo ja tirsan Gobolka Shawa ee Gobolada Oromada, waxaana la sheegay in Ehelada Ardaydaan ayaa walaac ka muujiyay Bad-qabka Ardayda iyo Noloshooda, iyadoo Kooxaha afduubka geystay la sheegay iney weydiisteen Madax furasho lacageed oo dhan 700.000 oo Birr si loo sii daayo Ardayda.

Kooxdaan ayaa Ehelada Ardayda u qabatay muddo 3-Maalmood ah iney dhaqaalaha madax furashada ku keenaan, inkastoo Waalidiinta ay sheegeen ineysan awoodon lacagaha la dalbaday, Hey’ada Xuquuqda Aadanaha Ethiopia (EHRC) ayaa warbixin ay soo saartay ku iftiimisay iney Gobolada Amxaarada iyo Oromada ay aad u kordheen Falalka Afduubka, Weydiisashada Madax-furshada iyo Dilalka isirka ku dhisan, waxeyna ugu baaqeen Maamulka Abiy inuu wax ka qabto xaaladaha ku soo kordhay Goboladaasi.

334710cookie-checkArday Lagu Afduubtay Gobolka Amxaarada Ee Dalka Ethiopia iyo Sababta…