Bulshada Dhuusa mareeb Oo Bilaabay Iney Garsoor u Doontaan..

Politics

Kadib markii in ka badan 10-sano ay Magaalada Dhuusa mareeb maamulaayeen Hogaanka Suufiyada, isla markaasna ay si nabad ah ugu wareejiyeen Maamulka degmada Ciidamada Maamulka Farmaajo, ayeey hadda bilaabeen Shacbiga Magaalada iney Garsoor u doontaan Kooxda Shabaabka…

Ilaa hadda ma cadda sababta ku riixday Bulshada Magaalada iney Garsoor u doontaan kooxda Shabaabka, hase yeeshee waxaa loo aaneynayaa in Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo ineysan si Cadaalad ah u ridin xukunada, isla markaasna ay qaataan lacago sharuur ah.

Dhacdadaan ayaa soo shaac baxday Magaalada Dhuusa mareeb Kadib markii Xoogaga amaanka ay qabteen laba Muwaadin oo muran dhul uu ka dhaxeeyo, kuwaasoo garsoor u doontay degaanada ay maamulaan Kooxda Shabaabka ee duleedka Dhuusa mareeb.

Muwaadiniintaan oo magacyadoodu lagu soo koobay Cumar Jowle iyo Axmed Cumarey, ay isku heystaan dhul ku yaal magaalada Dhuusa mareeb, Waxaana la sheegay in Mr.Cumar uu Dacweeyay Mr.Cumarey.

sikastaba Ha ahaatee, dhacdadaan ayaa waxey xoojneysaa eedeymo hore oo Maamulka Farmaajo kaga yimid Hogaanka Ahlu Suuna oo ahaa iney ka gaabiyeen amniga iyo Garsoorka Magaalada Dhuusa mareeb, iyagoo u gacan geliyay Kooxda Shabaabka.

19030cookie-checkBulshada Dhuusa mareeb Oo Bilaabay Iney Garsoor u Doontaan..