Ciidamada Dowlada Oo Howlgalo Fuliyay

Politics

Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa Howlgalo ay fuliyeen Ciidamada Dowlada shalay galab, iyagoo la sheegay iney saddex qof ka kaxeestay maqaayad ku taala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, sida ay noo sheegeen goobjoogeyaal iyo saraakiil kuwa ammaanka ah….

Wararka ayaa sheegaya in 3-daan qof oo laba kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha maqaayadda iyo qofka sadexaad oo ah macmiilka maqaayadda lana sheegay inuu ahaa askari dharcad ah ayaa indhaha laga xiray waxaana lagu riday oo lagu kaxeystay gaari ay ciidanka wateen.

Dadkaan ayaa laga qabtay maqaayadda oo ku taala Xaawo Taako, waxaana maqaayadaan sida la sheegay iska leh Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka lamana oga sababta ka dambeysa Howlgalkaan.

Saraakiisha Amaanka ayaan weli aysan hadlin sababta loo xiray shaqaalahaan balse xog hoose ayaa sheegaysa in ay dalbadeen in laga war sugo ilaa maanta si ay ugu sameeyaan baaritaano.

28580cookie-checkCiidamada Dowlada Oo Howlgalo Fuliyay