Ciidamada Dowlada Oo Lagu Dhaliilay Iney Ka Gaabiyeen Dagaalada Shabaabka…

Politics

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay iney culeys ka saareen la dagaalanka Kooxda Shabaabka ee ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose, Talaabadaan oo horseeday in Shabaabkii gobolkaasi ay qaybtooda u soo weecdaan Gobolka Shabellaha Dhexe…

La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Xasan Cabdulqaadir Muudey, inkastoo uu marka hore soo dhaweeyay hawlgalkii lagu qabtay degaanka Janaale, ayaa dhanka kale wuxuu Maamulka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ku eedeeyay in ay ka jeesteen Shabaabka ku soo xoogeysanaya Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Waxaan marka hore u hambalyeynaya Ciidanka Xoogga Dalka oo markale la wareegay gacan ku heynta Deegaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose. Marka xiga ciidamadu way ku amaanan yihiin sida ay naftooda ugu hurayaan dalkooda iyo dadkooda Soomaaliyeed. Marka labaad waxaan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku dhaliileynaa inay ka sii jeesteen Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ahmiyad gaar ah ay siinayaan Gobolka Shabellaha Hoose.” Ayuu yiri La taliyaha Saxaafadda ee Madaxweynaha Hirshabelle.

Isagoo faah faahinaya culeyska ay Shabaabku ku hayaan shacabka Gobolka Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in ay culeyska ku sii kordhiyaan gobolkaasi, markasta oo ay dareemaan in culeys lagu saaray Gobolka Shabellaha Hoose.

“Kooxaha qaswadayaasha markasta oo laga xoreeyo Shabellaha Hoose waxay toos u soo aadaan Shabellaha Dhexe, taasoo dhibaato weyn ay ku qabaan dadka ku dhaqan tuulooyinka hoos yimaada Degmada Balcad, oo masaafo ahaan Muqdisho u jirta 30Km.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir Muudey.

Waxa uu intaa ku daray “U fiirso markasta oo Ciidanka Xoogga Dalka ay culeys saaraan Shabaabka Gobolka Shabellaha Hoose, iyagana waxay culeyska ku xoojiyaan Gobolka Shabellaha Dhexe. Waxay ahayd in si siman ay Ciidanka Xoogga Dalka uga wada hawlgalaan Labada Shabelle.”

Ina Muudey ayaa su’aal geliyay sababta ay Madaxda Qaranka ahmiyad gaar ahi u siiyeen Janaale oo 95km u jirta Magaalada Muqdisho, oo aynaan wax ahmiyad ahi siinin Degmada Balcad, oo 30km u jirta Caasimadda Muqdisho.

Muudey ayaa ugu dambeen si xushmad leh uga codsaday Madaxda Dowladda Dhexe in laga shaqeeyo, sidii Gobolka Shabellaha Dhexe looga dulqaadi lahaa culeyska, ay ku hayaan Shabaabka hubeysan.

22690cookie-checkCiidamada Dowlada Oo Lagu Dhaliilay Iney Ka Gaabiyeen Dagaalada Shabaabka…