Ciidamada Haramcad Oo Gadood Sameeyay..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa ayaa laga soo sheegaya xarumaha Ciidamada Haramcad iyo kuwa kale ee Ku sugan Magaalada Dhuusa mareeb iney gadood sameeyeen isla markaasna ay diideen iney qeyb ka noqdaan Guluf colaadeed oo lagu qaado Xarunta Inj ee Hogaanka Suufiyada.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Maalmahaan uu Khilaaf xoogan u dhaxeeyay Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogaga Dalka iyo Maamulka Villa Somalia, kadib markii lagu amray inuu diyaariyay qorshe Dagaal oo lagu qaado Xarunta Ing iyo Fariisimada kale ee Xarumaha Xoogaga Ahlu sunnah ee Gobolka Galguduud.

Wararka ayaa sheegaya duhurnimadii maanta ay Garoonka Diyaaradaha ay ka dhoofeen Horjoogayaasha kala ah Faarax Qaroole iyo Yaasin Ganey kuwaasoo loo sii dhiibay Dhaqaale yar oo la doonaayo in lagu kala furfuro Saraakiisha Xoogaga Haramcad Ee Dhuusa mareeb.

Maalmahaan dambe ayaa la sheegay iney xaalad kacsanaan ay ka jirto Magaalada Dhuusa mareeb, iyadoo labada dhinac ay wadaan abaabul dagaal iyo hub uruursi, waxaana laga cabsi qabaa in gacan ka hadal uu dhex maro.

17950cookie-checkCiidamada Haramcad Oo Gadood Sameeyay..