Ciidamada Israel oo Kaashanaya USA oo Weerar Gantaalo ah ku Qaaday Iran…

Security World

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Weerar u badan Gantaalada Ridada dheer ayeey Ciidamada Isreal oo Kaashanaaya kuwa USA ku qaadeen dhowr Bartilmaameed oo ku kala yaala Dalka Iran, Taleefishinka Qaranka Iran ayaa xaqiijiyay in qaraxyo ay ka dhaceen meelo badan oo dalkaasi ah, oo ay ku jirto Tehran..

Weerarka Gantaalada ayaa bilaawday saacadu markey aheyd 5,45 AM xiliga Iran, Weerarkaan Gantaalada ayaa ahaa 3-Qeybood, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil, Weeradada 2-aad iyo 3-aad ayaa la bartilmaameedsaday goobaha laga soo saaro gantaalaha ee Iran, iyaga oo garaacay in ka badan 20 bartilmaameed, sida ay sheegeen Wargeysyada Axios iyo New York Times.

Xuuraano la helay ayaa xaqiijinaaya in Weeraradaan Gantaalada ay ka qeyb qaateen Diyaaradaha Dagaalka oo tiradoodu lagu qoyaasay 100 oo isugu jira kuwa F-35, F-16 & kuwa Booyadaha (Tankers), iyadoo Duulaankaani la bartilmaameedsaday Warshadaha Gantaalada lagu Farsameeyo, Xarumaha Ciidamada Ilaalada Kacaanka, sidoo kale waxaa Ciidamada Isreal weeraro Gantaalo ku qaadeen Bartilmaameedyo ku yaal Dalka Syria.

347530cookie-checkCiidamada Israel oo Kaashanaya USA oo Weerar Gantaalo ah ku Qaaday Iran…