Ciidamada Janaale Oo Kufsi Lagu Eedeeyay

Health

Waxaa soo shaac baxaaya qeylo dhaan ka soo yeereysa Shacbiga degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose kuwaasoo ku eedeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada iney falal Afduub, kufsi iyo anshax xumo kula kacaan dadka safarka ah…

Xogtaan ayaa Diinah.com u tilmaamtay in 7-dii bishaan April 2020, gudaha Magaalada ka afduubteen Gabar 13-sano jir ah, halka Haweeney Xaamilo ah ay kala dageen Gaari Mini bus ah oo ay ku safreysay, iyagoo Kufsi u geystay, dhibanayaasha ayaa la dhigay Isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho oo lagula tacaalaayo xaaladooda Caafimaad.

Wararka ayaa sheegaya in 3-Askari oo ka mid ah Ciidamadaasi ay ku lug leeyihiin kufsiga iyo Afduubka, iyadoo aysan jirin wac talaabo ah oo laga qaaday Askartaasi,Sidoo kale Taliska Ciidamada, Maamulka Gobolka iyo Kan Dowlada Federaalka ayaan Weli ka hadlin xaalada, waxaana loo baaqaya iney sharciga la hor keeno Ciidamadaan ku kacay falalkaasi.

27640cookie-checkCiidamada Janaale Oo Kufsi Lagu Eedeeyay