Ciidamada Jubbaland Oo Kaabiga Ku Haya Jamaame..

Politics

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland oo ay wehliyaan Ciidamada Kumaandooska (DANAB) iyo Kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay degaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose…

Saraakiisha hawlgalkaas hoggaaminaysa ayaa sheegay in ay ka gudbeen Ciidamada Webiga Jubba isla markaana ay gaareen degaano dhowr ah iyaga oo howlgalkooda ku doonaya iney Shabaab kala wareegaan dhulka ay kaga sugan yihiin degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in Ciidankoodu ay gaareen tuulooyin ka tirsan  degmada Jamaamme gaar ahaan dhinaca wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka sameeyeen degaannada Koban, Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka Webiga dhaca sida ay saraakiisha u sheegeen warbaahinta Maxaliga ah.

Saraakiisha Ciidamadaan hogaaminaysa ayaa sheegay howlgalkaas ku dileen 8 Xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab sidoo kalena Miinooyin badan oo dhulka lagu aasay ay ciidanku soo saareen,wali ay halkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah Al shabaab.

Al shabaab dhankooda kama hadlin howlgaladda Ciidamada Jubbaland ka sameeyeen degaano hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose,sidoo kale majirto cid ka madax banaan saraakiisha Dowladda oo Xaqiijinaysa sheegashada Maamulka Jubbaland.

17870cookie-checkCiidamada Jubbaland Oo Kaabiga Ku Haya Jamaame..