Ciidamada NISA Oo Wariyayaal iyo Shaqaale Jir-Dilay

Politics

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xoogaga hubeysan ee NISA ay xalay weerar ku galeen xarunta TV-ga Cable ee Muqdisho, isla markaasna dhibaato u geystay Shaqaalaha Xaruntaasi..

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay xoog ku galeen xarunta Telefishanka, isla markaana ay jirdil u geysteen weriyeyaal iyo shaqaale ku sugnaa xaruntaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ciidamadaasi ugu duuleen xarunta warbaahinta.

4-Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay gudaha u galeen xarunta TV-ga Somali Cable, waxayna gacanta ula tageen laba weriye iyo darawal ka tirsan shaqaalaha TV-ga Somali Cable ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan waxaa cambaareeyay xogahaya ururka saxafiyiinta FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay inuu falkan imaanayo iyadoo ay maanta uun ka hadleen xaaladda ay wajaheyso saxaafadda Soomaaliya.

Wararka kasoo baxay Telefishanka SOMALI CABLE ayaa lagu xaqiijiyey inay ciidamo ka tirsan NISA gudaha u galeen xarunta Telefishanka, ayna jirdil u geysteen weriye iyo cameraman.

“Xalay Abaare 9:00 Habeenimo ayaa waxaa ilaada Telefeshinka ay ka shakiyeen Dhalinayro fadhisay ilinka hore ee Xaruunta Telefeshinka kadib ayaa waxaa dhacday in ay isku dhaceen dhalinyaridii iyo ilaalada Telefeshinka ,waxaa goobta yimid oo gudaha Xarunta soo galay Ciidamada NISA ee Gobolka Benadir, iyagoona jirdilay Weriye iyo Camera Man ka tirsan Shaqaalaha Somali Cable.” ayaa lagu yiri qoraalka Maamulka Telefeshinka Somali Cable.

35210cookie-checkCiidamada NISA Oo Wariyayaal iyo Shaqaale Jir-Dilay