Ciidamada Puntland Oo Fashiliyay Weeraro

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Howgalo ay qaadeen Ciidamada Maamulka ay ku fashiliyeen Weeraro iyo qaraxyo lagu qaadi lahaa Magaalada…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Howlgalkaan intii uu socday lagu soo qabtay 3-Dabley ah oo ka tirsan Kooxda Daacishta iyo Agab ay wateen, kuwaasoo isugu jira Walxaha qarxa iyo Suumanka is-miidaaminta, Howlgalada ayaa la qaaday 13-05-2020.

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay In Howlgaladaan ay daba socdeen mid ka horeeyay Oo la qaaday 9-kii Bishaan lagu soo qabtay xubno iyo taageeryayaal ka tirsan kooxda Daacishta ee fariisimada ku leh buuraha Galgala.

Laamaha Amaanka ee Puntland ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay Sare u qaaday dardar gelinta Howlgalada lagu sugaayo Amaanka iyo Nabadgelyada iyo gaarka ah oo lagu baacsanaayo Kooxaha argagixisada si looga hortago waxyeelada ay Shacbiga iyo Xasiloonida Degaanada Puntland u geysanayaan Kooxaha Shabaabka iyo Daacishta.

34120cookie-checkCiidamada Puntland Oo Fashiliyay Weeraro