Ciidamadii Awdheegle Oo La Weeraray..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa ka soo baxaya weerar ay koox ka tirsan Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka xalay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamadii dowladda ee laga qaaday Madaxtooyada Villa Somalia ay ku leeyihiin Degaanka Awdheegle ee gobolka Sh.hoose…

Wararka ayaa Sheegaya, weerarka oo ku bilowday Hobiyayal iyo Gantaalada Garbaha laga rido, waxaa lagu qaaday Fariisin ka ay Ciidamadaan ku lahaayeen degmada Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus, kaasoo socday in ku dhow saacad.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Diinah.com inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, walow aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil u hadashay Ciidamada ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay iney iska difaaceen weerarka Shabaab ay ku soo qaadeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay bartilmaameedkiisa ku sheegeen inuu ahaa sidii ay magaalada u qabsan lahaayeen.

Xaaladda saaka ee Awdheegle ayaa ah mid degan, waxaana socda howlgalo baaritaana ah oo ay sameynayaan Ciidamada Xoogga dalka, kaasoo looga gol leeyahay sidii nabad galyada loo xaqiijin lahaa.

21690cookie-checkCiidamadii Awdheegle Oo La Weeraray..