Ciidamadii Gedo Oo Hubkoodii Gatay..

Politics

Warbixino hordhaca ah oo laga Helena ilo loo qaateen ayaa sheegaya In qeybo badan oo ka mid Ciidamada Maamulka Farmaajo ku daadgureeyay magaalooyinka Gobolka Gedo ee ay ku badan Beesha Madaxweynaha, ayaa bilaabay iney ka baxsadaan aagaga dagaalka.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Ciidamadaan oo ah kuwa uu si gaar ah u tababaray Ciidamada Turkey, isla markaasna ay qalabeeyeen Maamulka Dooxa, kuwaasoo la wareegay gacan ku heynta Degmooyinka Luuq iyo Doolow iyo qeybo ka mid ah magaalada B/Xaawo, iyagoo taageero ka helayaa Ciidamo Caloooshood u shaqeystayaal u dhashay Dalka Ethiopia.

Xildhibaan Maxamed Idiris, oo xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka, ayaa sheegay “ In Dhalinyaro la marin habaabiyay oo qaarkood la yiri waxaa la idiin qaadayaa tababaro Dalka Qadar, ayaa laga dejyay degmooyinka Luuq iyo Doolow, wuxuu intaasi raaciyay “ In qaarkood iney hubkii ka iibsadeen Kooxda Shababka, halka kuwo kale ay ka gateen meelo kale kadibna ay u tahriibeen Dalalka Bariga iyo Konfurta Africa.

Wuxuu ugu dambeyntii Xildhibaanku Beesha Caalamka cod dheer ugu sheegay iney si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Villa Somalia iyo degaanada Nabadeed ee ay Ciidamada Dowlada loogu adeegsanaayo halkii la rabay iney ka qeyb qaataan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

17990cookie-checkCiidamadii Gedo Oo Hubkoodii Gatay..