Ciidamadii Jubbaland Oo Dib Loogu Celinaayo 3-Degmo Ee Gedo..

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa sheegaya In Dowlada Kenya ay shuruud adag ku xirtay wada hadal nabadeed oo ay la yeesheen Maamulka Farmaajo, iyagoo sheegay in marka hore Ciidamadii ay tababareen lagu celiyo Degmooyinkii ay Shabaabka ka xoreeyeen..

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay, in qorshe iyo dadaalo ay wadeen Saraakiisha Mareykanka ee ku kala sugan Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, kuna Aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha uu abuuray Mr.Farmaajo isla markaasna looga saari lahaa Ciidamada laga keenay Magaalada Muqdisho, qabsadayna Degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled xaawo, iyagoo gacan ka helaaya Ciidamada Ethiopia, dibna loogu wareejin lahaa Maamulka iyo Ciidamada Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in Heshiisyo hordhac ah oo dhinacyadaan gaareen (Kenya iyo Somalia), ayaa sheegaya in sidoo kale Ciidamada laga keenay Degaanada Dhoobley iyo Ceel Waaq Dib loogu celiyo fariisimadooda.

Xiisadaan ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda lagu soo af jaro Magaalada Nairobi, kadib marka ay ku kulmaan Madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya.

21150cookie-checkCiidamadii Jubbaland Oo Dib Loogu Celinaayo 3-Degmo Ee Gedo..