Cod Laga Duubay Madaxweynaha H/Shabelle

Politics

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya cod sir ah oo laga duubay Madaxweynaha Dowlad goboleedka H/Shabelle Mr.Waare, isagoo khadka kula xiriiray Xubno ku beel ah, wuxuuna sheegay in Beeshu ay ku dulman tahay Saami qeybsiga Xildhibaanada iyo Xilalka H/Shabelle..

Wuxuuna ugu baaqay Dhinacyada Beesha iney Kulan wada tashi ah ka yeeshaan Saamiga ay beeshu ku leedahay Hir/Shabeele, isagoo aad u saluugay in 13-Kurssi ay beeshu ku leedahay Barlamaanka, inkastoo ay qaadatay Madaxweynaha, hadana kuma filna, ee waa in dib loogu laabtaa Oo Kulan loogu baaqaa Beelaha Mudulood iney wada xaajood ka galaan Saluuga saamiga Xildhibaanada iyo Xilalka Kala duwan ee Dowlad goboleedka.

https://youtu.be/WHOjDHdUkGg
36000cookie-checkCod Laga Duubay Madaxweynaha H/Shabelle