Dacwadii Maxkamadda Sare Oo Go’aan Laga Gaaray

Politics

Go’aan la xiriira Dacwadii Maxkamadda Sare ee dalka oo ay qaadeysay una dhaxeeysay Xisbiga Himilo iyo Hey’adda Duulista ayaa laga soo Saaray natiijada….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Maxkamadda ay Documents-ka natiijada go’aanka ku wareejisay Qareenada Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh, Madaxweynihii hore ee Somalia.

Natiijada ayaa ka koobneed laba qodob oo kala ah:-

– In ay qalad aheyd go’aanka lagu hor istaagay safarka madaxdii hore ee Soomaaliya loona baahan yahay in ay si deg deg ah raali gelin uga bixiso hay’adda duulista.

– Iyo in hay’adda ay bixiso qarashkii ay galeen mas’uuliyiinta safarka u socday, kaas oo ka yimid hoteelo la kireeyay, gaadiid iyo duulimaadka oo qarash ku baxay islamarkaana iyagoo aan safrin ay waajib ku noqotay in laga qaado.

Lacagta loo xukmiyey xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay ku dhowaad 35,000 oo dollar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay maalinta berri ah soo saari doonaan bayaan ku saabsan go’aanka Maxkamadda kadib markii ay kulan isugu yimaadaan.

Kulankaan ayaa la qorsheynayaa inuu u dhaco qaab wicitaan Video ah, maadaama ay Xubnaha Xisbiga ku kala xayiran yihiin, Turkiga, Kenya, Somalia iyo meelo kale.

27000cookie-checkDacwadii Maxkamadda Sare Oo Go’aan Laga Gaaray