Dad Naafo & Danyar ah Oo Saameysay Barakicin Lagu Sameeyay Iyadoo aan Qorshe Dib u Dejin La Socon…

Somalia news

Waxaa wel wel laga muujiyay Barakaca lagu hayo Boqol Qoys oo Naafo iyo Danyar iskugu jira kuwaasoo wajahaya Raashin, biyo yari iyo hoy xumo, kafib markii Guryihii ay degenaayeen ay xoog uga barakiciyeen Xoogaga Amaanka, Muwaadiniintaan ayaa haatan ku sugan Xaalad adag yihiin kadib markii ay dageen Degaano KMG ah…

Wararka ayaa sheegaya in Barakacayaashani oo tiradoodu kor u dhaafeyso ilaa 5000 Qoys ayaa Xoogaga Amaanka ka barakiciyeen Guriyihii ay kirada uga degenaayeen Dhismihii Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Degaan ku dhow Ceelsha Biyaha, Iyadoo aan loo diyaarin degaano kale taasoo sababtay iney hoy la’aan noqdaan, Barakacayaashani ayaa la xaqiijiyay iney ku adkaatay maareynta nolosha qoysku ay ku adkaatay nolosha Qoysaskooda.

Maamulka Villa Somalia iyo Maamulada Konfur Galbeed iyo Gobolka Benaadir, ayaa lagu eedeeyay iney ku deg degeen barakicintan Qoysaskaan loona dejin Barnaamij dib u dejin, ku darsoo Qoysas badan ayaa xeryaha lagu barakacay ku soo xarooda marka ay ka burburaan ilaha dhaqaalaha u ah sida xoolaha iyo beeraha, Qulqulka Barakacayaashani cusub waa midaan joogsan, balse tirada noqoneysa mid sii korarta.

337370cookie-checkDad Naafo & Danyar ah Oo Saameysay Barakicin Lagu Sameeyay Iyadoo aan Qorshe Dib u Dejin La Socon…