Dagaal Beeleed Ka Qarxay Duleedka Dhuusa mareeb

Politics

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dagaal beeleed oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka qarxay deegaanka Qalaanqale oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhuusamareeb….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu dirirtaani ay u dhaxeysa Beelaha Saleyman iyo Ceyr, kuwaasoo ku wada sugan degaankaasu, waa waxaana la isku haya m dhul-daaqsimeed.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana uu sii xoogeysanayo, Xaaladda degaanka ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona wararka ay sheegayaan in dagaalka ku sii fidiyo tuulooyin ku dhow degaanka Qalaanqalle ee gobolka Gaduud.

Maleeshiyaadka diriraya ayaa maalmihii la soo dhaafay isku hor fadhiyey halkaasi, iyadoo ay fashilmeen dadaallo la doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac.

32090cookie-checkDagaal Beeleed Ka Qarxay Duleedka Dhuusa mareeb