Dagaal ka Dhacay Keymaha Boni ee Lamu Kenya oo Lagu Dilay Tiro Ciidamo ah…

Africa News Security

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal ka dhacay Keymaha Boni ee Drgmada Lamu Kenya oo Lagu Dilay Tiro Ciidamo ah Ciidamo Kenyan kuwaasoo muddo 2-maalmood ah ku raad joogay Koox Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Argagixisada Shababka…

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 5-Askari oo ka tirsanaa Boliiska si gaarka i tababar ayaa fiidnimadii talaadada lagu dilay iska horimaad ay la galeen kooxo looga shakisan yahay argagixisanimo oo ka dhacay Kaynta Boni ee Degmada Lamu, Askartaan oo howlgallo kawaday Keyntaasi gaar ahaan aaga lagu magacaabo Lahelo, waxeyna ku raad joogeen Nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Kooxda Argagixisada Shababka.

Waxaana la sheegay in Ciidamadaan ay ku dhaceen dabin ay kooxda Shababka u dhigeen kuwaasoo ku sugeysay Keyntaasi taasoo keentay inuu khasaaraha dhimasho iyo Dhaawac ka dhasho isku dhacaasi oo dhinacyadaan soo kala gaaray, Askarta ku dhaawacmay oo gaaray 9-Askari ayaa loo qaaday Isbitaal ku yaal magaalada Nairobi.

370640cookie-checkDagaal ka Dhacay Keymaha Boni ee Lamu Kenya oo Lagu Dilay Tiro Ciidamo ah…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *